Saxaafadee madax banaan?
By Fatah Muse profile image Fatah Muse
8 min read

Saxaafadee madax banaan?

Madaxbanaannida warbaahinta sideedaba waa arin xasaasi ka ah dunidoo idil, hadana si gaara waxey ugu sii liidataa dunida sadexaad, sida hey'adaha ka dhisan wadamada galbeedka ee qaabilsan arimahaas eey sheegaan.

Madaxbanaannida warbaahinta sideedaba waa arin xasaasi ka ah dunidoo idil, hadana si gaara waxey ugu sii liidataa dunida sadexaad, sida hey'adaha ka dhisan wadamada galbeedka ee qaabilsan arimahaas eey sheegaan. Madaxbanaanida warbaahinta waxaa lagu tilmaamaa ineey tahay tiir ka mid ah tiirarka ugub dhexaadka u ah demoqraadiyada.

upload in progress, 0
Tixraac: Reporters without Borders (RSF) Index 2025 Global Score
“Madaxbannaanida saxaafadda waxaa lagu qeexaa awoodda wariyayaasha — si gaar ah iyo si kooxeedba — ay u leeyihiin inay xushaan, soo saaraan, oo faafiyaan wararka danaha guud ee bulshada iyagoo ka madax-bannaan faragelin siyaasadeed, dhaqaale, sharci, ama bulsho, iyadooon loogu cagajugleyn amniga naftooda, ama maan-dil ka hor istaaga gudashada waajibaadkooda shaqo.”

Hey'ada Wariyeyaasha bilaa Xuduuda ee loo yaqaan (RSF - Reporters without Borders) ayaa waxay is barbardhigtaa sanadwalba 180 wadan, taasoo eegeysa xoriyadda wariyeyaasha iyo warbaahinta, iyadoo ka eegeysa shan marxaladood wadanwalba, iyo sida shantaa marxaladood u saameeyaan xoriyada wariyaha iyo warbaahin, shantaa marxaladoo oo kala ah: Marxaladdaha siyaasadda, sharciga, dhaqaalaha, bulshada iyo amniga, waxa ayna madax banaaninnida warbaahinta u qeexday sidatan: “Madaxbannaanida saxaafadda waxaa lagu qeexaa awoodda wariyayaasha — si gaar ah iyo si kooxeedba — ay u leeyihiin inay doortaan, soo saaraan, oo faafiyaan wararka danaha guud iyagoo ka madax-bannaan faragelin siyaasadeed, dhaqaale, sharci, ama bulsho, iyadooon loogu cagajugleyn amniga naftooda, ama maan-dil ka hor istaaga gudashada waajibaadkooda shaqo".

" 2. Xorriyatu qoolka waxaa ka mid, xorriyadda hadalka, saxaafadda iyo wax walba oo soo gelaya warbaahinta elektaroonikada iyo internet-ka"

Dastuurka Soomaaliya ee ku-meel gaarka ahna qodobka 18 qeybtiisa 2aad waxaa ku qoran: "Xorriyatu qoolka waxaa ka mid, xorriyadda hadalka, saxaafadda iyo wax walba oo soo gelayawarbaahinta elektaroonikada iyo internet-ka."

Saasoo tahay had iyo jeer Soomaaliya waxaa ka dhaca arimo la xiriira maquuninta iyo aamusinta warbaahinta, oo ey xukuumadda markaas joogtaa ay ku kacdo. marki maqaalkan la qorayey waxeey sheegeysaa hey'ada (RSF) in dalka Soomaaliya ay xabsi ku jiraan ugu yaraan 11 wariye, inta la ogyahay, oo ay kaga jiraan gobolo kala duwan. Mar walboo arin noocaasi dhacdana waxaa yimaada doodo ku soobsan madaxbanaannida warbaahinta, iyo sidii lagu heli lahaa warbaahin madaxbanaan, loona dhowri lahaa xuquuqda ey warbaahintu leedahay sida dastuurka ku qoran, laakiin ma noqon wali arin hana qaada oo miro dhasha.

180-ka wadan ee hey'adu ururiso xogteeda sanadwalba, sanadka 2025-ka, waxaa kaalinta 1-aad ka galay dalka Norway oo ugu madaxbanaanni fiicnaa, kaalinta ugu dambeysee 180-aad na waxaa galay dalka Eritrea, halka ay Soomaaliya kaga jirta nambarka 136-aad.

upload in progress, 0
Tixraac: Reporters without Borders (RSF) Index 2025 Global Score

Marka waxaa is weydiin mudan, waa maxay warbaahin madaxbanaan sideedaba? mase jirtaa dunida warbaahin madaxbanaani buuxda leh? sidee ku gaari karnaa in aan helno warbaahin madaxbanaan? ma waxaan soo guurinaa tan reer galbeedka? maadaama eey iyagu ku baraarujiyaan wadamada dunida sadexaad ineey yeeshaan warbaahin madaxbanaan, oo xataa mararka qaarkood shardi looga dhigo ineey ilaaliyaan xuquuqda warbaahinta si ay taakuleyn u helaan, tooduse (reer galbeedku) ma warbaahin madaxbanaani buuxda heysataa?

Wadamada reer galbadkeedku waxeey ku andacoodaan iney leeyihiin warbaahin madaxbanaan, laakiin marna ma sii faahfaahiyaan heerka madax banaannida warbaahintooda, oo halkaas ayaa looga haraa. Waa run waxa eey leeyihiin warbaahin madaxbanaan, laakiin leh albaabo badan oo shaandheeya inteysan wararkoodu soo gaarin bulshada, sida:

  • Xeerar aan sharci aheyn laakiin dowladda iyo warbaahintu isku afgartaan in la raaco.
  • Xakameyn ey warbaahintu iyada is xakameyso, si ey uga hesho dowladda albaabo furan oo eey xog ku hesho si eey ula tartanto warbaahinnada kale.
  • Sharciyo dowladdu soo dajiso oo baarlamaanka dalka la soo marsiiyo oo ey tahay warbaahintu ineey u hogaansanaato, kuwaasoo ilaalinaya amniga qaran, xasiloonida, caafimaadka iyo sumcada dadka iyo dalkaasi leeyahay.
  • Codsiyo ama digniino kasoo baxa wasaaradaha difaaca, amniga, iyo warfaafinta dalalkaas, kuwaasoo loo gudbiyo warbaahinta, inkastoo eysan ku qasbaneyn in codsiyadaa ama digniinahaa raacaan, laakiin inta badan wey tixgaliyaan, ha noqoto iney dantooda ka dhex arkaan, ama iney u tixgaliyaan danta dadkooda iyo dalkooda.

Haddi aan tusaalooyin yaryar ka soo qaadano, albaabadaas eey saxaafadda reer galbeedka wararbixinadeedu soo dhex mariyaan iyagoo madax banaan waxaa ka mid ah:

  1. Guddiga kormeerka tafatirka warbaahinta (editorial oversight committee)
    1. Guddiga kormeerka tafatirka warbaahinta ee ka jira wadamada reer galbeedka qaarkood, shaqadoodu waa iney ilaaliyaan barnaamijyada iyo wararka ey warbaahintu sii deeneyso, in ey waafaqsanyihiin xeerarka iyo sharciyada warbaahintu sameysatay, inta warku aanu bulshada gaarin, isla markaana dabcan waxeey eegayaan in barnaamijku ama warku jabinaayo sharciga wadanka ka jira, sidaa darteed war aan tafatir soo marin bulshada sooma gaaro. inta badan gudigaas waa sadex nooc, qasab maaha wadanku inuu leeyahay sadexdaba, laakiin ugu yaraan wadanwalba labo ka mid ah wuu leeyahay, sadexda noocna waxeey kala yihiin:
      1. Nooca 1aad waa guddiga tafatirka warbaahintu leedahay, waana mid gaar u ah warbaahinta oo isugu jira guddiyo sharciga ku taqasusay, kuwo dadka iyo caadooyinkooda ku takhasusay, iyo kuwo anshaxa iyo qabka warbaahinta ilaaliya. tusaale: BBC du waxeey leedahay xeer-hogaameedyo (BBC Guidelines) ey had iyo jeer u hogaansanaadaan dhamaan guddigooda iyo shaqaalohoodu. Waxaa dhacday 2003dii, waagi dagaalki ciraaq in guddigoodu go'aan ku gaareen muuqaallada dagaal qaarkood inaaney sii deyn, si ey u ilaaliyaan badbaadada ciidamada Ingiriiska ee ka qeybgalayey howlgalladii ka socday Ciraaq. Mar labaad 2005 mar uu qarax ka dhacay caasimadda London, waxeey go'aansadeen inaaney muuqaallada qaarkood aaney sii deyn, si eysan u faafin barobogaandada argagixasada iyo dhibkey geysteen sidoo kalena eysan u cabsi galin muwaadiniintooda. Go'aamadaas marka guddigu gaarayo dowladdu wax fara galin ah kuma laheyn sida eey sheegeen, inkastoo BBC da qarashka ey ku shaqeeyso dowladdu bixiso sida CBC / Radio-Canada oo ka howlgala Kanada.
      2. Nooca 2aad ee guddiga kormeerka tafatirka waa guddi guud oo ka kooban warbaahinno isu tagay, oo iyaga iskood u sameystay guddi tafatira wararkooda iyo barnaamijyadooda, sida gudiga Independent Press Standards Organisation (IPSO) ee ka jira dalka Ingiriiska, kaa soo qaabilsan warbaahinnada daabacadda ah, sida joornaallada, wargeysyada qoraalka ah, iyo kuwa interneetka, guddigaasoo inta badan dhowra, xuquuqaha gaarka ee muwaadinka, sugnaanta warka, takoorka, iwm. guddigan wuxuu awood u leeyahay in xubnihiisa uu ku amri karo iney soo saxaan war ey baahiyeen oo qaldanaa, isla markaana raali gelin ka bixiyaan, sidoo kalena ey ganaaxi karaan hadii xubin ka mid ihi gafkeedu weeynaado, waana guddi downladda ka madax banaan.
      3. Nooca 3aad waa guddi warbaahinna eysan gaar u laheyn, oo warbaahinnada ey canshuurtu maalgeliso oo loo yaqaan warbaahinta bulshada (Public Broadcasters) ey inta badan xubin ka yihiin, sida supervisory councils (Rundfunkrat) ee Jarmalka, guddigaas wuxuu ka koobanyahay siyaasiyiin, ururro diini ah, ururro shaqaale, iyo dad matala arrimaha guud ee bulshada, inkastoo guddigan uusan si toosa u kontoroolin wararka iyo barnaamijyada la baahiyo, hadana waxeey ansaxiyaan sharciyada warbaahinta, waxeyna gacan xoog leh ka geystaan qorsheynta maalgalinta dhaqaale ee warbaahintu downlada ka hesho. Inkastoo ey ka yara duwantahay waxaa Faransiiska sidoo kale ka jira Autorité de régulation de la communication audiovisuelle et numérique (ARCOM) tan faransiiska waxeey uga duwantahay waa guddi dowladdeed, tusaale 2022 ARCOM waxeey ruqseysay leysankii telefishinka Rasia Today ku laheyd dalka Faransiiska, taasoo guddigu ku eedeeyay ineey baahineysay barnaamijo lid ku ah danaha dalka iyo dadka Faransiiska.
  2. Qodobada amniga iyo danaha dalka oo eey dowladdaha qaarkood soo saaraan. (national-security guidelines) waa qodobo ey warbaahinta si guud u raacdo, qodobadaasi maaha sharci qabanaya warbaahinta, ee waa qodobo ey qoreen wasaarado ka mid ah dowlada, sida wasaarada difaaca, tan amniga iwm, warbaahinkastana iyadaa is xilqaanta sidii ey qodobadaas ugu hogaansanaan laheyd, tusaale Ingiriiska waxaa ka jira hey'ad la yiraahdo Defenceand  Security  Media  Advisory  Committee (DSMA Committee) DSMA waxey si rubacle (sanadki 4 goor) ah usoo saartaa qodobo ogeysiis ah oo ku saabsan amniga qaranka Ingiriiska iyo danahooda siyaasadeed, maaha sharci laakiin inta badan warbaahinkastoo ka jirta dalka Ingiriiska waa u hogaansanaataa qodobadaas, tusaale waagii Edward Snowden oo u shaqeyn jiray hey'ada amniga iyo sirdoonka Mareykanka, markuu ka cararay Mareykanka ee uu macluumaad badan banaanka kasoo dhigay hey'adi uu u shaqeyn jirey, guddiga DSMA ee ingiriiska waxey soo saareen dakumenti ey ku qorantahay ogeeysiis digniiin ah oo ku saabsan daabicidda macluumaadka uu ninkaasi banaanka soo dhigay, ma aheyn amar ama diidmo in la daabaco, oo keliya waxey aheyd ogeysiis wacyigelin ah, saasooo tahayna inta badan warbaahintu waa ey u hogaansanaadeen, habka ey wax u xakameeyaan guddigaas waxaa si kajan ah loogu yeeraa "a very British form of censorship".
  3. Sharciyo baarlamaanku ansaxiyo. (regulatory controls) xeer ilaalinta sharciyada warbaahintu waa mid caalamkoo dhan ka simanyahay, inkastoo wadamaddu ey kala sharci adagyihiin, inta badan reer galbeedku sharciyadaan waxeey soo marsiiyaan barlamaan, waxa eeyna u badanyihiin waxyaabaha sida xaqdhowrka cadaalada, takoorka noocyadiisa kala duwan, anshax xumada, xaqdhowrka yaraanka iyo caruurta waxyaabaha loosoo bandhigo, been abuurka, kicinta qalalaasaha iyo waxwalboo xasilooni daro wadanka u keeni kar.
  4. Mulkiilayaasha warbaahinta, oo ah dadka iskaleh shirkadaha warbaahinta, iyaguna mararka qaarkood waxey soo farageliyaan xakameynta wararka iyo barnaamijyada warbaahintoodo u gudbiso bulshada. Warbaannada reer galbeedku waxeey isugu soo urureen mulkiilayaal kooban, oo warbaahinnada intooda badan iyagu leeyihiin, tusaale wadanka Mareykanka 1983-dii, 90% warbaahinnada waxaa kala lahaa ilaa 50 shirkadood, meesha 2011 isla 90%-kii ey kala leeyihiin keliya 6 shirkadood, taasoo keentay in mulkiilayaasha 6-da shirkadood ey awood weyn ku yeeshaan wararka la baahiyo, in dhineci ey rabaan u leexiyaan, ha noqoto dhan siyaasadeed, ama dhan diimeed, ama dhan hiddo iyo dhaqan.

Intaa kor ku xusan, waxaa usii dheer warbaahin madaxa banaan ee reer galbeedka, xafiisyo dowladdeed uu u furan kaliya ineey diiwaangaliyaan cabashada shacabka warbaahintu ka qabto, hadii xafiisyadaasu ey ku raacaan shacabka cabashadooda waxeey usii gudbiyaan madaxda sare, si wax looga qabto, sharcina loogasoo saaro.

Inkastoo ey jiraan wadooyinkaloo badan uu reer galbeedku ku xakameeyo warbaahintooda, wadan walbana leeyahay hab u gooni ah, hadana waxeey ku tuseeysaa micnaha dhabta ah ee madaxbanaannida warbaahinta reer galbeedku leedahay.

Halka midoo aan rabo inaan xusso waxeey tahay, hadaa u fiirsato iyagu xakameyntoodu waxey inta badan ku koobantahay danaha qaranka iyo shacabka, laakiin ma jirto xakameyn ka celineysa in warbaahintu dhaliisho dowlada, ama war bixinno eysan ka helin ka qorto madaxda dalka, taas micneheedu maaha ineysan madaxdu isku deyin iney hor istaagaan, laakiin taa waxaa had iyo jeer ka dhasha doodo badan, iyo maxkamaddo leysla aado, iyo xuquuqda warbaahinta oo loo doodo, sidaa daraadeed madaxdu inta badan kuma guuleeysato aamusinta warbaahinta marka iyagu yoolku saaranyahay, sidoo kale warbaahinkasta iyo wariyayaasheedu waxaa ka go'an inta badan isxilqaamid oo marwalba waxeey hor mariyaan amniga iyo danaha qarankooda iyo dadkooda, iyagoon cidna qasbeyn ayey is xilqaamaan, waxey sameysteen gudiyo tafatir iyaga u gaara, oo ka ilaaliya sharci jebin, iyo ineey ku dhacaan wax ka daahsoonaa ama lid ku ah danaha iyo amniga qarankooda, waxeyna had iyo jeer inta badan diyaar u yihiin ineey la shaqeeyaan amniga iyo danta qaran ee dalkooda.

Maadaama micnaha warbaahinta madaxa banaan ee reer galbeedku aan sidaa isula garaney, aan is weydiino marka,

  1. ma inaan toos madaxbanaannidooda u soo guurinaan u baahanahay? mise madaxbanaani aanu inagu qeexanno oo diinteena, danaha qarankeena iyo dadkeena waafaqsan inaan sameysano?
  2. Waa maxay masuuliyadda saaran shirkadaha warbaahinta Soomaalida?
  3. Waa maxay masuuliyadda saaran wariyaha Soomaaliga?
  4. Bulshaduse maxey masuuliyadoo leedahay?
  5. waa maxayse kaalinta dawladdu leedahay, markii laga soo tago dejinta, iyo fulinta sharciga?

Waa su'aalo u baahan in dooddooda la bilaabo, la iskana wareysto fikradaha kala duway, laakiin go'aamda ka soo bixa eeysan noqon qof fikradiis iyo waxa la quman, ayse noqdaan go'aamo ay soo saareen dad khubaro Soomaaliyeed oo arimaha warbaahinta, siyaasada, diinta bulshada, amniga iyo danaha guudee umadda ku xeel dheer, doodo iyo kulamo dhaadheer ka dib, iyagoo markaas isku waafaqsan dhabadii la qaadi lahaa, iyo sidii gacan ku heyn loogu sameyn lahaaba, sababtoo ah halka xaqiiqoo indheer-garad walbaaba ogyahay waa inaysan jirin cid inta noo timaada oo howlahaas no qabaneysa, oo yihiin kaliya tu inaga meel intoo taal, goorteey noqotaba.

1,915 words4

By Fatah Muse profile image Fatah Muse
Updated on
📁 Bulsho 🏷️ Warbaahinta 🧩 Falanqeyn