Xudduntii Muqdisho & Xusuustii Dhalashadeyda
Xuddunta Muqdisho, hoyga ilbaxnimadda –Xaafadda ugu faca weyn Gobolka Benadir –Xamarwayne, degmo soo jireen ah oo leh taariikh iyo dhaqan qadiimi ah oo si weyn loo qaddariyo.
Hadaa dooneyso inaan isla markiba kula soo socodsiino maqaalada cusub, halkan iska diiwaan gali.
SubscribeXuddunta Muqdisho, hoyga ilbaxnimadda –Xaafadda ugu faca weyn Gobolka Benadir –Xamarwayne, degmo soo jireen ah oo leh taariikh iyo dhaqan qadiimi ah oo si weyn loo qaddariyo.
Qormadaan waxay soo gudbin doontaa macluumaadka ku aaddan Xuddunta Muqdisho, hoyga ilbaxnimadda –Xaafadda ugu faca weyn Gobolka Benadir –Xamarwayne, degmo soo jireen ah oo leh taariikh iyo dhaqan qadiimi ah oo si weyn loo qaddariyo. Akhris wacan!
Xasuusihii iigu horreeyay ee Degmada Xamarwayne;
Markii ugu horreysay ee aan cagaha saaray laamiyada dhagaxaanta ah ee Xamarwayne, waxaa igu soo dhacay caraf udgoon oo ka imaanayay foornooyinka iyo carwooyinka macmacaanka. Waxaan arkay carruur ku ciyaaraya kubadda cagta waddooyinka ciriiriga ah, halka odayaasha ay fadhiyeen hortooda oo ay sheekooyin isku dhaafsanayeen.
Taariikhda guud ee Xamarwayne:
Xamar Weyne oo ah degmada ugu da’da weyn Muqdisho, waxay leedahay taariikh soo taxnayd qarniyo badan. Waa degmo si weyn loogu xasuusto ganacsigeeda, dhaqankeeda, iyo dhismayaasheeda taariikhiga ah. Xamarwayne waa xuddunta Xamar, waxayna bulshadda Soomaaliyeed u leedahay muhiimad gaar oo ku aaddan dhinacyadda dhaqanka iyo taariikhda. Degmadaan, oo ku taalla Banaadir, waxay qeyb ka tahay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Degmadu waxay hoy u tahay dhismayaal qadiimi ah oo taariikhi ah sida masaajidyo badan oo taariikhdooda la soo koobi karin iyo dhismayaasha caanka ah sida xarunta gobolka Banaadir, bacadlaha ugu weyn ee dalka, iyo kawaanka ugu weyn ee kalluunka Soomaaliya.
Dhaqanka iyo Bulshada:
Degmada Xamar Weyne waxay leedahay dhaqamo u gaar ah oo qayb ka ah hiddaha iyo dhaqanka hodanka ah ee Soomaaliyeed. Bulshadda ku nool Xamar Weyne waa bulsho firfircoon oo ilbax ah, lehna dhaqamo iyo caadooyin soo jireen ah. Dadka degan Xamarwayne waxay isugu jiraan ganacsato, jilayaal, injineerro iyo macallimiin. Waxay caan ku yihiin ilbaxnimada iyo dhaqanka hodanka ah. Si gaar ah waxay door muhiim ah ka qaataan ganacsigga iyo dhaqanka gobolka Banaadir. Intaas waxaa sii dheer, Reer Xamar waxay ahaayeen qaar ka mid ah aasaasayaashii Xisbiga Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYL), oo ahaa xisbigii ugu horreeyay ee siyaasadeed ee Soomaaliya.
Fanka iyo Filimada:
Xamarwayne waxay caan ku tahay soo saarista filimaanta iyo fasiraadda filimaanta shisheeye sida kuwa Hindiga, Mareykanka, iyo Turkiga. Waxaa ka furan goobo badan oo lagu turjumo aflaamta sida: Saafi Films, Al-Faghi, Astaan iyo kuwa kale.
Ganacsiga:
Xamarwayne waxay xiriir ganacsi la lahayd dalal badan oo caalamka ah, sida Masar, Carabta, Hindiya, Farisiyiinta, Malindi, iyo Mombasa. Taariikhda waxaa ku xusan in boqortooyadii Roomaanka ay ka dhisteen dekad ay ugu magac dareen “Sarapion” dhul xeebeedka u dhaxeeya Xamar ilaa Warsheekh.
Suuqa Kalluunka ee Xamarwayne waa mid ka mid ah suuqyada ugu muhiimsan ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan marka laga hadlayo ganacsiga kalluunka. Waa suuq si weyn looga yaqaan Soomaaliya oo dhan, waxaana uu leeyahay taariikh dheer oo la xiriirta dhaqanka iyo nolosha dadka Soomaaliyeed, waxaana la aaminsan yahay in suuqa uu jiray tan iyo qarniyadii hore, isagoo ahaa xarun muhiim u ah isu-socodka ganacsiga iyo kalluumeysiga ee Soomaaliya.
Ahmiyadda Dhaqaale ahaan iyo Bulsho ahaan uu leeyahay suuqaan waa in uu si weyn uga qeybqaato dhaqaalaha degmada iyo magaalada Muqdisho. Waa meel ay ku kulmaan kalluumeysatada, ganacsatada, iyo macaamiisha, waxaana lagu iibiyaa noocyo kala duwan oo kalluun ah oo laga soo jillaabto xeebaha Soomaaliya. Suuqu wuxuu kaloo xarun u yahay isdhexgalka bulshada, maxaa yeelay, waa meel ay dadku isugu yimaadaan, wax isku weydaarsadaan, sheekooyinka iyo warar maalmeedkana iskula wadaagaan. Waxaa ku yaal goobo lagu iibiyo cuntooyinka badda, taasoo qeyb ka ah dhaqanka Soomaaliyeed.
Suuqa Kalluunka ee Xamarwayne wuxuu saameyn weyn ku leeyahay nolosha dadka degaanka. Wuxuu bixiyaa fursado shaqo oo muhiim ah, iyadoo ay ka shaqeystaan dad aad u farabadan, noloshana ka debbara.
Taariikhda Xamarwayne waa mid hodan ah oo ka tarjumaysa isdhexgalka bulsho ee dhinacyadda dhaqanka, ganacsiga, iyo siyaasadda Soomaaliya.
Degmadu waxay caan ku tahay carwooyinka waaweyn iyo foornooyinka macmacaanka sameeya xilliga ciidaha iyo aroosyada. Xamarwayne waxay ahayd meel ka mid ah meelaha muqdisho ay dadka ugu xadaarisani degan yihiin. Waa degmo xusuus badan leh oo aan la illoobi karin, waxayna si weyn uga qeyb qaadatay horumarka iyo ilbaxnimada Soomaaliyeed.
Fanka iyo Suugaanta:
Waxaa ka buuxa dad hal-abuur leh iyo suugaanley sida: Abwaan, jilaa iyo Fanaan Maki Xaaji Banaadir (Buur-fuule).
Ciyaaraha Dhaqameedka:
Xamar Weyne waxay leedahay suugaan faneedyo gaar ah, oo ay ku jiraan gabayo, heeso, iyo ciyaaro dhaqameed. Ciyaaro dhaqameedka u gaarka waxaa ka mid ah Shirib, dab-shid iyo istaaqfuruloow oo lagu qabto fagaarayaasha, sanad kastana la qabto. Sida uu ii sheegay Jeyte Cali Maxamuud oo ku noolaa Xamarwayne muddo ku siman 54 sano. Cuntooyinka u gaarka ah Xamarwayne waxaa ka mid ah: cuntooyinka macmacaanka ah, Sambuuska, Xalwada, Kaluunka IWM.
Taariikhda ay la leedahay Diinta Islaamka:
Degmadu waxay leedahay in ka badan 25 masaajid, kuwaas oo bixiya adeegyo diini ah iyo waxbarasho. Tusaale ahaan, masaajidada sida Jaamaca Xamar Weyne, Arbaca rukun iyo Masjid Fakhru-diin ayaa ah kuwo caan ah oo taariikhi ah.
Masjidka Arbaca Rukun: Waa masaajid taariikh weyn leh oo ku yaal Xamarwayne, waxaana la sheegaa inuu yahay mid ka mid ah masaajidda ugu da’da weyn ee Muqdisho. Waxaa la dhisay qarnigii 7aad ee Hijriga
Masjidka Xamar-Weyne (Jaamaca) waxaa la rumeysan yahay inuu yahay masjidka ugu fac weyn magaalada Muqdisho, waxaana masjidkaas la dhisay 630 hijriga.
Dadka bulshadda magaca iyo saameynta ku leh ee ay soo saartay:
Xamar Weyne waxay soo saartay dad caan ah oo saameyn weyn ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybaha sida diinta, siyaasadda, iyo dhaqanka. Tusaale ahaan, Reer Xamarka waxay ka mid yihiin dadka asalka u ah Muqdisho, waxayna door muhiim ah ka ciyaareen taariikhda iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed. Degmadu waxay soo saartay fanaaniin iyo jilaayaal caan ah sida qaar ka mid ah Fannaaniinta Kooxda Qaranka ee Hobolada Waaberi:
Fanaaniinta Banaadiriga ah ee caanka ah waxaa ka mid ah:
- Axmed Naaji Sacad: Wuxuu ahaa fannaan, abwaan, iyo laxamiiste caan ah oo ku luuqeeya heeso jacayl iyo waddani ah. Waxaa lagu xasuustaa heesaha sida "Garan Waaye" iyo "Dalkeygow". Axmed Naaji wuxuu sidoo kale ahaa qof riwaayadaha qora, akhriya farta Muusigga, si la mid ahna curiya miraha heesta (abwaan).
- Fadumo Qasim Hilowle: Waxaa loo yaqaannaa "Faynuusta Fanka" waxayna ahayd fannaanad leh cod dahabi ah. Waxay bilowday heesaha iyadoo da' yar, waxayna ka mid ahayd fannaaniintii ugu horreeyay ee ka heesa Radio Muqdisho. Aabaheed, Qaasim Hilowle, wuxuu ahaa abwaan iyo fannaan caan ah.
Fanaaniinta Banaadiriga ah ama Xamariga ah ee ka tirsanaa Hobolada Waaberi sidoo kale waxaa ka mid ah Maryan Naasir. Waxay ka mid ahayd fanaaniinta caanka ah ee kooxda, waxayna ku luuqeysay heeso badan oo soo jiitay quluubta dadka. Maryan Naasir waxay kaalin muhiim ah ka qaadatay inay soo bandhigto hiddaha iyo dhaqanka Banaadiriga ah iyada oo qeyb ka ah Hobolada Waaberi.
– Shimaali Ahmed Shimaali wuxuu ahaa fannaan caan ah, waxaana lagu xasuustaa codkiisa macaan iyo kaalintiisa muhiimka ah ee uu ka qaatay fanka Soomaaliyeed.
Muslimo Qaasim Hilowle
Maxamed Macoow
Axmed Shariif Killer
Nimco Xasan
Caasha Cabdoow Maleyka
Xabiib Sharaabi
Maxamuud Axmed Toox
Cabdiraxmaan Al-fanaan
Fanaaniintaan waxay door muhiim ah ka ciyaareen fanka, suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Jilaayaasha Riwaayadaha: Kuwaas oo magac iyo maamuus ku dhex leh bulshada, sida: Cabdi Muriidi Dheere, oo loo yaqaanay Ajakis, wuxuu ahaa majaajiliiste iyo jilaa laga jecelyahay masraxa furan. Ajakis wuxuu magaciisa kasoo dhex baxay majaajiliisteyaasha Soomaalida, inta badan waxa uu xoogga saari jiray turjumidda filimada Hindiga ah ee afsoomaaliga loo baddalo, isagoo dhinaca shactirada saameyn xoogan ku lahaa.
Wuxuu sidoo kale ahaa qof leh hibbo ama xirfad dabiici ah oo ay u sahlaneyd in uu dadka madadaaliyo. Howsha madadaalada oo astaan u ahayd wuxuu bilaabay sanadkii 1996-kii. Ajakis, wuxuu ku geeriyooday Muqdisho taariikhdu markay ahayd 27 Sebtembar, 2021. Waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa nin bulshada dhexdeeda si weyn looga jecel yahay, oo leh karti gaar ah oo uu kaga qoslin karo dadka. Awkuuku, Awkoowbe, Cali jeylaani (Jeekey) iyo qaar kale ayaa ka mid ah Jilaayaasha caanka ah oo ay soo saartay Xamarwayne.
Ereyada gaarka ah ee Xamarwayne waxaa ka mid ah:
“Iska-warran”: Waa Salaan aad u caan ah.
“Adeer”: Waa Erey xushmad leh oo loo adeegsado in lagu yiraahdo qof kaa weyn.
Marka ay jiraan ciyaara dhaqameedka oo ay dadku fagaaraha isugu yimaadaan, oraahda inta badan aad maqleyso waxaa ka mid: "Bandhawoow soo bixi waayay, bun habuuq baa u bislaaday." Si la mid waxaa kale oo aad maqleysaa: "Meel libaax soo galay, lo' ma joogeyso!" Waa oraahyo caan ah.
Talo soo jeedin:
Dadka waxaan ku dhiirrigelin lahaa inay Xamar Wayne soo booqdaan, si ay u arkaan taariikhda iyo dhaqanka hodanka ah ee dadka Reer Xamarwayne.
Inay dhaqangeliyaan oo ay ilaaliyaan sidoo kalena ay qeyb ka qaataan horumarinta dhaqanka iyo hiddaha qiimaha leh.
Inay taageeraan Fanaaniinta iyo hal-abuurka maxalliga ah si loo ilaaliyo suugaanta iyo fanka Soomaaliyeed.
Xamarwayne waa degmo leh taariikh qani ah iyo dhaqan soo jireen ah oo mudan in la xuso, la ilaaliyo, lana dhiirrigeliyo. Waxay si weyn uga tarjumaysaa hodantinimada dhaqanka, dhaqaalaha iyo kala duwanaanshaha bulshada Soomaaliyeed.
Xilligii dagaallada:
In kastoo ay jiraan caqabado dhinaca amniga iyo horumarka ah, intii lagu guda jiray dagaalladdii sokeeye, maadaama dadka Reer Xamarwayne ay ahaayeen beelo aan hubeysnayn, haddana xaaladda hadda ay ku sugan tahay Xamar Wayne waa mid wanaagsan sida ay ii sheegeen qaar ka mid ah dadka degaanka oo aan wax ka waydiiyay. Cali Cumar Faaruuq (Cali Qaajaa) oo mihnadiisu tahay dhartolidda, waa mid ka mid ah dadka ku dhaqan Xamarwayne muddo fog. Cali Cumar Faaruuq waxa uu yiri: "Bulshada Xamar Weyne waxay muujiyeen adkeysi iyo hal-abuur. Mashruucyada horumarineed iyo dadaallada dib-u-dhiska ee hadda ka socda Xamarwayne waxay muujinayaan rajo wanaagsan oo ku aaddan mustaqbalka."
Jeyte Cali Maxamuud oo ka mid ah isagana dadka ku dhaqan degmadda Xamarwayne, waxa uu ku dhashay Xamarwayne, si la mid ah waa meesha uu ku barbaaray. Waxa uu iiga warbixiyay xilligii dagaallada ka hor in dadka Reer Xamarwayne ay ahaayeen dad aad isku jecel oo daris wanaagsan leh, wada noolaansho iyo ixtiraamna uu ka dhaxeeyo. Waxa uu yiri: "Masha Allah, dadka Reer Xamarwayne waa dad saaxiibtinimo leh, oo isjacayl uu ka dhaxeeyo, nabadgelyana ku wada joogay."
Ereyga aan ku dhiirrigelin lahaa qof walba oo haleelaa in uusoo booqdo Xamar Weyne waa "Ku soo dhawaaw Xamarwayne”. Waa erey muujinaya martisoor iyo soo dhaweyn diirran, taas oo astaan u ah dhaqanka soo soojireenka ah, martigelinta iyo furfurnaanta dadka Soomaaliyeed. Ku soo dhawaaw Xamar Weyne, oo arag taariikhda, dhaqanka, iyo bulshadda leh saaxiibtinimadda –ku dalxiis oo ku raaxeyso degmadaan quruxda badan.
Gunaanad:
Ugu dambeyntii Xamar Weyne waa muraayadda taariikhda iyo hiddaha Soomaaliyeed. Waxay sii ahaan doontaa mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee bulshada Muqdisho, waxaan rajeynayayaa inay kaalin mug leh ka qaadato horumarka dalka. Waxaan rajeynayaa in qormadan ay si fiican u taabanayso dhinacyada kala duwan ee aad xiiseyneyso ee ku saabsan degmada Xamar Weyne.
Waad ku mahadsan tahay akhrinta maqaalkaan kooban, waxaan rajeynayayaa inaad wax badan ka baratay hoyga degmada facaweyn ee soo jireenka (Xamarwayne) iyo taariikhda xiisaha leh ee ku duugan. Mahadsanidiin!
W/Q Sakariye Salad
Sign up for Kobcis.club
Tab, Talo iyo Tusmooyin.
No spam. Unsubscribe anytime.
Read Next
Baro sida la i saga hubiyo, beenta baraha bulshada
Maqaalkan wuxuu ka hadlayaa barnaamijyada caalamka laga isticmaalo si looga hortago wararka, masawirada iyo muuqaalada beenta ah ee baraha bulshada iyo internetka guud ahaanba la soo galiyo, barnaamijyadaasoo eey maal galiyaan hey'ado, jaamacado iyo wakaaladaha wararka caalamka ugu waaweeyn, si looga hortago khasaaraha eey keeni karaan wararka been
Qawaacidda Qoraalka Maqaal
Qof walba oo sida wax loo qoro yaqaanna waa uu qori karaa maqaal, laakiin ma qori karo maqaal tayo leh. Sababtoo ah qoritaanku waa farshaxan.