Baro sida la i saga hubiyo, beenta baraha bulshada
Maqaalkan wuxuu ka hadlayaa barnaamijyada caalamka laga isticmaalo si looga hortago wararka, masawirada iyo muuqaalada beenta ah ee baraha bulshada iyo internetka guud ahaanba la soo galiyo, barnaamijyadaasoo eey maal galiyaan hey'ado, jaamacado iyo wakaaladaha wararka caalamka ugu waaweeyn, si looga hortago khasaaraha eey keeni karaan wararka been
Maqaalkan wuxuu ka hadlayaa barnaamijyada caalamka laga isticmaalo si looga hortago wararka, masawirada iyo muuqaalada beenta ah ee baraha bulshada iyo internetka guud ahaanba la soo galiyo, barnaamijyadaasoo eey maal galiyaan hey'ado, jaamacado iyo wakaaladaha wararka caalamka ugu waaweeyn, si looga hortago khasaaraha eey keeni karaan wararka been abuurka, warxumo tashiilka iyo iska horkeenida bulshooyinka.
Maadaama isticmaalka baraha bulshada uu noqday qeyb ka mid ah nolol maalmeedkeena, oo wararka iyo xogta inta badan aan ka helno, waxaa lama huraan ah in aad waqti galiso oo iska xaqiijiso wararka aad ku aragto baraha bulshada oo aadan durba aaminin, khaasatan hadaan rabto inaad dadka kale la sii wadaagto oo share gareeyso, ama afka uga sheegto, si aadan door uga qaadan faafinta beenta iyo iska horkeenida umada Soomaaliyeed, ama aadan qeyb ka qaadan warxumo tashiil laga sameeyey shakhsi, ganacsi ama hey'ad oo eey sameeyeen dad dano gaar ah leh iyagoo og in eey xaqiiqda ka fog yihiin, rabaanna ineey ku adeegsadaan si aad usii faafiso falxumadaas.
Baraha bulshadu faa'iidooyin badan ayeey leeyihiin, hadana waxaa aad ugu badan wararka beenta ah iyo fariimo ujeedadoodu tahay marin-habaabis, caan-raadis, been-abuur iyo dhaqaale ku raadis, sidaa darteed waxaa lama huraan ah in shakhsi walba yeesho aqoon uu ku kala sooco, uuna barto barnaamijyada loo hal abuuray kala shaandheynta iyo ka hortaga wararka beenta ah ee baraha bulshada iyo guud ahaan internetka.
Tusaale: 2024-kii bisha Abriil waxaa baraha bulshada eey soo galiyeen dad kala duwan oo rabey ineey marin habaabiyaan bulshada, muuqaal eey leeyihiin waa xarunta nabadsugida(NISA) ee Soomaaliya oo la qarxiyay, kaasoo ahaa muuqaal dhisme ololaaya oo dabku is qabsaday. Warkaas waxaa beentiisa xaqiijiyay hey'ada Agence France-Presse (AFP) xafiiskeeda Keenya, kadib markii uu baraha bulshada is qabsaday oo dadka intooda badan eey a wadaageen asxaabtooda sidi in uu war run ah yahay, muuqaalkuna wuxuu ahaa suuqa bakaaraha ee Muqdisho oo gubanaya ma aheyn xarunta NISA.
Maadaama dadka intiisa badani eeysan khubaro ku aheyn sida loo xaqiijiyo xogta saxda ah iyo mida beenta ah ee baraha bulshada, waxaan maqaalkan ku eegeynaa jiritaanka iyo isticmaalka barnaamijyo caalamka hormaray uu isticmaalo si looga hortago warbeeneedka intuusan khasaaro geeysan, oo eey gacanta ku hayaan dad ku takhasusay xaqiijinta macluumaadka baraha bulshada la soo galiyo iyo internetkaba guud ahaan.
Sidoo kale dhowaanahan waxaa aad ugu soo badanaya baraha bulshada ee internetka, masawiro lagu curiyay kumbuyuutarka (IA Generated), kuwaasoo ka fog xaqiiqda, laguna marin habaabiyo dad badan, kuwaasoo qaarkood eysan ka warheyn in eey jiraan sawiro lagu curiyay kombuyuutarka, kuwa kalena eey ogyihiin hadana iyagoon iska xaqiijin asxaabtooda iyo dadka kale la sii wadaaga. Sidoo kale waxaa jira sawiro dhab ah, oo sawir ahaan eey yihiin wax jira, laakiin qaab duwan oo been ah loo isticmaalo.
Marka hadii aa rabto inaad noqoto qof soo af-jara faafinta masawirada aan runta aheeyn, amaba qeeyb ka noqon faafintooda, waxaa jira barnaamijyo badan oo aad isticmaali karto si aad u xaqiijiso run ahaanta masawirka ama muuqaalka.
Websaaydyada ama baraha internetka ee ku taxluuqa xaqiijinta wararka ee caalamka waxaa la isugu soo aruuriyay intooda badan barnaamij la yiraahdo Google Fact Check Tools oo eey google leedahay, beejka ugu horeeyo marki aad tagto waxaad arkeysaa masawiradii iyo muuqaaladii ugu dambeeyay ee la xaqiijiyay runtooda iyo beentooda. Luqada qoraalka beejkaas uu kuugu soo bixi doono, waxey ku xirantahay browserka aad isticmaaleysid luqada uu kuu joogo markaas. Hadii add rabto inaad luqadaha dhan aragto, liiska hoos u kala baxaaya oo eey ku qorantahay "Language Filter" ka dooro "All Languages".
Hore waxaad ka arkeysaa in qeybwalba oo masawir xaqiijineysa eey leedahay lifaaq ama (Link), ku geynaya beejka cida xaqiijisay warkaas, taa soo kuu cadeenaysa in Google eeysan iyada qudheeda waxba xaqiijin, laakiin dadka ku how leh ama ku taxaluuqa xaqiijinta wararka beenta ee internetka lagu faafiyo eey u gudbiyaan Google mar walboo eey war xaqiijiyaan runtiisa ama beentiisa, waxaa jira qodobo muhiim ah oo eey Google dajisay hadii hey'adaha wax xaqiijiya eey rabaan ineey u gudbiyaan Google waa ineey u hogaansanaadaan shuruudaha qodobadaas, kuwaaso eey Google halkaan ku sharaxeyso.
Sida loo Isticmaalo:
Tusaale ahaan hadii aad rabto inaad aragto sawiro Soomaliya ku saabsan oo runtooda iyo beentooda la xaqiijiyay, qeybta raadiska waxaad ku qortaa "Somalia", waxaa kuu soo baxaya wixii sawiro ahaa ee ereyga "Somalia" ku jirey ee la xaqiijiyay dhowaanahan.
Lifaaqan waxaan raadiyay "Somaliya", lifaaqu wuxuu toos kuu geynayaa natiijadi raadiska oo dhameystiran oo Inigiriis ah.
Waxaa sidoo kale qeeybta raadiska galin kartaa masawir, iyadoo google uu raadinayo masawirkaas goobaha lagu isticmaalay, hadii dhowr meelood la soo galiyay, waxaad eegi kartaa taarikhda la soo galiyey goob walba, si aad u ogaato goobtii ugu horeysay ee soo gelisa masawirkaas. Taas faa'iidadu waa hadii aad aragto goobti ugu horeysay ee masawirkaas lasoo galiyey eey tahay twitterka, uuna soo galiyey shakhsi, waxaad ogaaneysaa warkaas in aan la isku haleyn karin, laakiin goobti ugu horeysay ee la soo galiyo hadey tahay Al-Jazeera waa runta u dhow inkastoo aad wali iska sii xaqiijin karto, ood warkaas ka raadin karto wakaalada wararka kale, si aad u aragto in eey is waafaqsan yihiin. Sababtuna waa qofka shakhsiga wuxuu doonoo iska soo galin karaa oo hadii sumcadiisu halowdo kalama jecla (dadka qaarkood), laakin wakaalada wararka caalamigu maaha in eeysan been sheegin iyaguba, laakin iyagu wexeey wajahayaan caqabado adag hadii la xaqiijiyo in war been ah eey soo galiyaan, caqabadahaasoo toos u taabanaya dhaqaalahooda, oo eey ku weeyn karaan daawadayaal badan.
F.G. Hadii aad xaqiijineyso war, masawir ama muuqaal, is ku dey inaad dhowr meel oo kala duwan ka raadiso, waxeey xaqiiqdu cadahay inta badan markaad ka hesho war isku mid ah oo dhowr meelood oo kala duwan aad ku aragto kuwaasoo is wada waafaqsan.
Ugu yaraan, noqo ruux aan faafin wax uusan iska hubin, oo ha noqon ka qeybqaate, aan waxba kala ogeyn, dambina ku galaaya wax aaney faa'iido ugu jirin. Waxaase ka sii fiican inaad noqoto ka hortage, kaa soo ka hortaga faafinta beenta, adoo isticmaalaaya barnaamijyadan iyo garaadkaaga, taasoo ajar aad ka heleysid hadaad ka badbaadisid qof walaalkaayo maskiin ah oon waxba kala ogeyn in uu ka qeyb noqdo olole warxumo tashiil asagoon is ogeey, warka xunuu faafinayana isaga naftiisa dhibaato ku soo socota eey tahay.
Wakaaladaha ku takhasusay xaqiijinta wararka saxda iyo beenta, weey badanyihiin oo caalamka meelwalba waa ku yaalaan, luqado kala duwanna waa ugu adeegaan umadahooda. Waxaan rajeynayaa goor dhow inaan aragno wakaalad Soomaaliyeed oo wararka xaqiiqda ah ee Soomaaliya loogu tago.
Waa kuwan liiska wakaaldaha maanta ka jira caalamiga ee ku howlan war xaqiijinta.

Inkastoo qalabkan cusub uusan aheyn 100% sax, hadana ugu yaraan wuxuu ku siinayaa macluumaad kugu filan oo aad go'aan ku gaari karto.

Read Next
Xudduntii Muqdisho & Xusuustii Dhalashadeyda
Xuddunta Muqdisho, hoyga ilbaxnimadda –Xaafadda ugu faca weyn Gobolka Benadir –Xamarwayne, degmo soo jireen ah oo leh taariikh iyo dhaqan qadiimi ah oo si weyn loo qaddariyo.
Qawaacidda Qoraalka Maqaal
Qof walba oo sida wax loo qoro yaqaanna waa uu qori karaa maqaal, laakiin ma qori karo maqaal tayo leh. Sababtoo ah qoritaanku waa farshaxan.